Erdogan oo qaadacay shirka Glasgow kadib arrin lagu liidayo oo ay sameysay Britain

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta baajiyey ka qeybgalkiisa shirka COP26 ee cimilada adduunka oo ka dhacaya magaalada Glasgow ee gobolka Scotland ee dalka UK, sababo amni dartood.

Erdogan ayaa isaga oo sii koraya duulimaad ka qaaday Rome, oo uu kaga qeyb-galay shirka G20 una socda Turkey, waxa uu sheegay in abaabulayaasha shirka ay ku guul-darreysteen inay wax ka qabtaan walaacyadiisa amni. 

“Markii dalabyadeena aan la fulin, waan ka baaqanay inaan aadno Glasgow,” waxaa sidaas Erdogan kasoo xigatay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

“Tani ma quseyo oo kaliya amnigeena, balse waxay quseysaa sumcadda waddankeena,” ayuu yiri.

Wargeyska Middle East Eye ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in abaabulayaasha shirka ay xadideen tirada wafdiga Turkey ee u safraya Glasgow. 

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in dowladda UK ay xadiday tirada kolonyada babauurta ee loo ogol yahay wafdiga Erdogan, taasi oo dhalisay walaac amni. 

Turkish-ka ayaa dareemay in tallaabadan ay tahay mid lagu liidayo madaxweyne Erdogan, sababtoo ah wax xiddidaad ah laguma soo rogin wufuudda madaxda kale sida madaxweynaha Mareykanka Joe Bide iyo kan Faransiiska Emmanule Macron. 

Dowladda UK ayaa Axaddii sheegtay inay ka laabaneyso xadidaadda waxayna mas’uuliyiinta Turkey u sheegeen inay Erdogan ula macaamili doonaa sida Biden.

Si kastaba, Dowladda UK ayaa mar kale haddana is baddashay maanta, waxayna sheegtay inaan wax laga beddeli doonin nidaamkii ay u dejisay wafdiga Turkey, taasi oo keentay in Erdogan uu go’aansado inaanu shirka ka qeyb-galin. 

Turkey ayaa shirka u dirtay wafdi wasiiro iyo saraakiil kale ah, oo ku matali doona.

Baaqashada Erdogan ayaa imaneysa ayada oo dhowaanahan ay sare usii kaceysay xiisadda ka dhex oogan Turkey iyo dalalka Reer Galbeedka.