Korneel Macow oo shaaciyey in NISA ay keensatay qalab halis ah oo lagu beegsanayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel C/llaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa shaaciyey in Hay’adda Nabadsugida ay keensatay qalab casri ah oo halis ku ah dhaq-dhaqaaqa ganacsiga xorta ah.

Korneel Macow ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda ay keensatay dad hackers ah oo ay u adeegsanayaan inay ku curyaamiyaan ololaha musharaxiinta xilka madaxweynaha kula loolamaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Qalabkan waa mid lagu beegsanayo xiriirka ka dhaxeeya ganacsatada iyo xiriirka ka dhaxeeya ganacsiga xorta ah, Nabadsugida waxay ku adeegsanayaan inay culeys galiyaan internetka,” ayuu yiri Korneel Macow.

“Waxay rabaan oo kale inay u isticmaalan marka la gaaro xiligay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha oo xiriir qaldan la isku gudbiyo iyo kuwa ololaha ee daneynaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in saddexdii maalmood ee u dambeeyay la tijaabinayay qalabkaas, kaasi oo culeys ku keenay internetkii caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay.

“Waxay soo kireysteen dad Hackers ah oo dhibaato u geysan doona isgaarsiinta, xawaaladaha iyo fariimaha la isku gudbinaayo. Waxaa loo sameystay qalabka in lagu dhageysto dadka Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho lagu socdana ganacsiga iyo siyaasadda.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qalabkaan uu ku wanaagsan yahay in loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah argagixisada laguna daba-galo, balse aan loo adeegsan siyaasada iyo dhaqaalaha oo xad-gudub ku ah sharciga.

Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto arrintaan, hase yeeshe waxa uu Korneel Macow sheegay inuu xogtaan ka helay Saraakiil muhiim ah oo tirsan Hay’adda Nabadsugida dalka ee NISA.