Weriye Ikraan Cali Xaashi oo ka bad-baaday isku day dil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Cali Xaashi oo kamid aheyd wariyasha Muqdisho ka shaqeeya ayaa ka bad baaday isku day dil kadib marki hoygeeda lagu weeraray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxdani ay bam gacmeedyo dhowr ah ku tuuren hooyga wariye Ikraan, balse Ikraan oo la hadashay warbaahinta qaar ayaa sheegtay in aaney waxba gaarin oo xaaladeda ay wanaagsan tahay.

Ikraan oo lagu yaqaan sameynta barnaamijyada arrimaha bulshada taabanaya gaar ahaan xadgudubyada lagula kaco dumarka ee xaga gudniinka fircooniga ah ah iyo wacyi-galinta dhallinyarada Soomaaliyed iney ka feejignaadan sameynta ficilada aan wanaagsaneyn ee ka midka ah iney ka mid noqdaan kooxaha argagagixisada sida Al-Shabaab ayaa mudooyinkan dambe waxey la kulmeysay dhibaatoyin amni.

Daqiiqado kadib weerarka ayaa waxa hoyga Ikraan soo gaaray ciidanka boliiska iyagoona islamarkiiba baaritaano ka sameeyay agagaarka guriga Ikraan, waxayna goobtasi ka qab qabteen dad ay ku tuhmayan arrintas, sheegayna iney baaritaano ku sameyn doonan.

Wariye Ikraan oo sanad dalka ka maqneyd ayaa kusoo laabatay maalmo kahor kadib markii ay sameeyn ku yeelatay warbixin seygeeda oo isna wariye ahaa laguna magacaabo Munasar Maxamed uu sameyay, taasi oo ku saabsaneyd nin kasoo jeeda beelaha la heyb sooco kaas oo isaga oo nool la gubay kadib marki uu guursaday gabar iyadana kasoo jeeda beelaha Waaweyn ee hubeysan kuwaasoo nafta dhaafiyay iyagoona dab iyo banziin u adeegsaday dilkiisa.