Haween miisaan culus oo kasoo horjeestay Khadiija Diiriye xilli ay wajaheyso loolan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shariifo Caddow oo kamid shaqsiyaadka ugu saameynta badan ururada Bulshada rayidka ah iyo Madiina Caamir oo kamid aheyd maamulkii Shirkaddii diyaaradda Somali Airlines oo ka qeyb galay xaflad ay musharaximadeeda xildhibaanimo kusoo bandhigeysay Baarliin Maxamuud Biin oo ah Gabar aqoonyahanad ah ayaa farriin u diray ergada wax dooraneysa.

Labadaan Haween oo ah kuwa miisaan culus ku leh Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ka codsaday inuu si cadaalad ah u maamulo kursiga HOP0097 oo yaala Magaalada Jowhar, kaasi oo ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Khadiija Maxamed Diiriye.

Shariifo Caddow ayaa sheegtay in kursiga HOP0097 oo ay hadda ku fadhiso Khadiijoa Maxamed Diiriye ay sanadkaan mudan tahay Baarliin Maxamuud Biin islamarkaana ay iyaga kala shaqeenayaan sidii ay ugu soo bixi laheyd.

“Anaga cod ma lihin, laakiin waa in codka la siiyo Baarliin, qoyska ay Baarliin ka dhalatay waxaa la idinka rabaa inaad marada u xirataan sidii aad kursiga u siin laheyn, waxay aheyd qof idinka maamuleysay meesha ay joogtay, waa Gabar isku xambaaran karto qoyskeeda iyo Soomaali oo dhan,” ayey tiri Shariifo Caddow.

Waxay hadalkeeda sii raacisay in Beesha ay kasoo jeedo Baarliin aysan wax xuquuq ah ka helin KhadiijaMaxamed Diiriye oo kursigaas ku fadhisay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna ugu baaqday inay sanadkaan ka shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

“Kuraastii Gabdhaha HirShabelle koomo ayey ku jiraan ciddii heysataba, waxaa la iska rabaa inaan kuraastaas soo badbaadino, Kursigaan waxaa iska leh Baarliin, wayna mudan tahay anaga dhanna waan ku garab joognaa,” ayey tiri Madiina Caamir.

Marwo Madiina ayaa sidoo kale sheegtay in kursigaan uusan laheyn madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe balse ay leeyihiin dadka ay Baarliin kasoo jeedo iyadoo tilmaamtay inay kalsooni ku qabto in Guudlaawe uusan wax faragelin ah ku sameeneyn kursigaan.

Hadalka kasoo yeeray labadaan Marwo ee miisaanka ku leh Haweenka Soomaaliyeed ayaa kusoo aadayo xilli ay Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye shalay sheegtay inay iyada leedahay HirShabelle oo aysan jirin cid ka qaadan karto kursigeeda.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sanadkaan culeys weyn kala kulmeyso Beesha ay kasoo jeedo iyadoo qaar ka  tirsan oyayaasha beeshaas ay sheegeyn inaysan Khadiijo bis laheyn kursiga.