Daawo: Dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo soo galay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgal dad lagu soo qab-qabtay oo xalay laga sameeyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, isagoo shaaciyay in dagaalka lagula jiro Shabaab uu soo galay Muqdisho.

Gaashaanle Isxaaq Maxamed ayaa sheegay in xubno badan oo firxad ah, kana tirsan Al-Shabaab ay soo galeen caasimada, kadib culeys ay kala soo kulmeen gobollada dalka.

Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde ayaa isaga oo la hadlayey dhalinyaro lagu soo qabtay howlgalka ka dhacay degmada Hodan ayaa tilmaamay in xubnaha la raadinayo ay ku dhex dhuumaaleysanayaan bulshada, loona baahan yahay in la wada shaqeeyo.

“Dagaalka lagula jiro nimankaas magaalada Muqdisho wuu soo galay intiina caawa meeshaan fadhido qofba guri ayaa laga soo waday intaas ayuu ku dhex-jiraa qofka aan raadineyno” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay caqabad ku tahay horumarka dalka, isla-markaana ay dhibaato ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Nimanka Khawaarijta waxa ay u hortaagan yihiin horumarka dalka, nabadda, waxayna dhib ku hayaan bulshada Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa farriin u diray reer Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay in aysan gurigooda geynin qof aysan garaneyn meel uu ka yimid, isla-markaana loo baahan yahay inay maraan habraaca loo dajiyay kireynta guryaha, ayada oo lasoo marayo degmada.

“Qofka aad gurigaaga ku soo dhaweyneyso muxuu ahaa qof aan la garaneyn oo meel kale kasoo cararay oo aad degmada kasoo diiwaan-gelin gurigaaga hasoo dajin,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.