Daawo: Maxaa ka jira in shacab kasoo jeeda Sool lagu dhibaateeyay Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, Mudane Maxamed Cilmi Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan arrinta Laascaanood.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa beeniyay inay jiraan dad kasoo jeeda gobolka Sool oo lagu dhibaateeyay magaalada Hargeysa, wararkaas oo maalmihii dambe la hadal hayey.

“Qof wax la yeelayo iyo qof dhib heystaa ma jiro gobolka. Bulshada ku nool gobolka Maroodi-jeex waa bulsho og in Qaranka la wada leeyahay,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maxamed Cilmi Axmed ayaa ugu baaqay shacabka reer Laascaanood ee ku nool Hargeysa, inay daganaan muujiyaan, isla-markaana ay wataan shaqooyinkooda iyo waxbarashadooda cadadiga ah, isagaoo hoosta ka xariiqay in lagu waxyeeleyn karin gobolka Maroodi-jeex.

“Cid alla waxaa weeyaan cid wax u dhimeysa oo waxyeeleysaa ma jirto been yaa la’idin sheegin baan leeyahay dadka waxaan leeyahay sidii ay gobolka u daganaayeen ha u daganaadaan howlahoodana ha qabsadaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday xiisadda weli ka jirta magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in la buun buuniyay dagaalka ka socda halkaasi.

Guddoomiye Maxamed Cilmi Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in reer Laascaanood aan laga xigin Somaliland, ayna yihiin dad deegaanka ah oo ka tirsan maamulkaasi.

“Shaqaaqada ka jirta gobolka Sool waa la buun-buuniyay waxa jira dad Facebook-ga iyo Youtube-ka been aad ugu baahinayo waxaan u sheegayaa Umadda Somaliland in la wada leeyahay Somaliland,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddoomiye Maxamed Cilmi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalintii 9-aad uu galay dagaalka ka socdo gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh.