Salmaan Daadir, Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Mudug oo u gacan galay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in la qabtay Salmaan Daadir, oo ahaa Madaxii qaraxyada iyo caafimaadka ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa waxa lagu sheegay in sarkaalkan muhiimka u ahaa kooxda Al-Shabaab lagu qabtay Aagga Camaara ee gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Salmaan Daadir oo gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad, ayaa waxaa la qabtay isagoo maleegayay dhagar uu ku dhibaateyn lahaa shacabka, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

“Dhagar qabe Salmaan ayaa gaari ku waday xilliga la qabtay agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo daawooyin, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad.”

Ciidamada dowladda ayaa daba-yaaqada sanadkii hore la wareegay deegaanka Camaara oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugnaayeen sannadihii u dambeeyey, waxaana illaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada huwanta.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dagaalka tooska ah midka dhaqaale iyo fikri ee dowladdu ku cirib-tirayso kooxda.