Mucaaradka Somaliland oo dalab yaab leh kasoo saaray xaaladda Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa markii u horeysay ku baaqay in ay faraha kala baxaan arrinta ka taagan Laascaanood gacmo shisheeye oo uu sheegay inay ku lug leeyihiin xiisadda ka aloosan magaalo madaxda gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Ucid ee uu hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe ayaa waxa lagu sheegay in ay ka xun yihiin xaalada colaadeed ee ka taagan Laascaanood, iyaga oo soo dhaweeyay xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland.

“Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Ucid waxa uu soo dhaweynayaa xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee ay ku dhawaaqday xukuumadda, taasi oo ahayd talladii guddoomiyaha xisbiga Ucid.”

Qoraalka kasoo baxay UCID ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay garaadada ku sugan Laascaanood in ay dhankooda ku dhawaaqaan xabad-joojin bilaa shuruud ah.

“Xisbiga UCID waxa uu ka digayaa durbaanada qabyaaladeed iyo waxkasta oo sii hurinaya xaaladda. Wuxuu ugu baaqaya in ay faraha kala baxaan dhamaan gacmaha shisheeyee ee ku lug leh arrinta Laascaanood.”

Xisbiga ayaa waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ugu baaqay in uu sida ugu dhakhsaha badan u qabto doorashada Madaxtooyada, si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee curyaamiyay siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-jirka shacabka reer Somaliland, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga.

Ugu dambeyntiina wuxuu ka codsaday dhamaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Somaliland, in ay gacan ka geystaan taakuleynta dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay coladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Hadalka mucaaradka Somaliland ayaa imanaya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, islamarkaana uu galay maalintii 9-aad.