Daawo: DF Soomaaliya oo amaro culus kusoo rogtay shirkadaha iyo ganacsatada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada ayaa goordhoweyd soo saaray go’aano culus, kuwaasi oo la xiriira maal-gelinta argagixisada iyo shirkadaha dalka qeybahooda kala duwan.

Guddiga ayaa ugu horeyntii uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

“Lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada waa dambiyo waaweyn si waafaqsan qoddobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.”

Go’aanada kasoo baxay guddigan ayaa waxa lagu faray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefoonada (mobile money service providers) in ay diiwaan-geliyaan dadka qaadanaya lambarada cusub, oo ugu yaraan sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta oo loo furayo sim-kaar cusub.

“Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaan-geliyo muddo aan ka badneyn muddo 90 cisho gudahood ah si waafaqsan qoddobka 5-aad sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale waxay farayaan in shirkadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha ay isku soo diiwaan-geliyaan muddo saddex asbuuc gudahooda, islamarkaana ogolaanshiyo ka haystaan wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh.

Shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska iyo sariflayaasha lacagaha qalaad ayaa waxa uu guddigan faray inay iyaguna isku soo diiwaan-geliyaan muddo 30 maalmood gudahood ah, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo aan diiwaan-gashaneyn.

Guddigu waxa kale oo uu faray hay’adaha maaliyadeed sida; Bankiyada, Xawaadalaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha telefoonada in ay kusoo gudbiyaan warbixinada ay warsadaan hay’adaha ku shaqada leh sida FRC & Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud mudd 24 saac gudahood.

“Cidii kusoo gudbin weysa warbixinada mudadaas waxaa laga qaadayaa talaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda kadib ay “si buuxda ula wareegi doonta hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada,” islamarkaana xayiraad safar ay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqista ama maal-gelinta Khawaarijta.

Hoos ka daawo wasiirka warfaafinta oo faah-faahinaya go’aanadan