Somaliland oo Al-Shabaab ku eedeysay inay magaalada Laascaanood ka fulisay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay kooxda Al-Shabaab ku eedeysay duqeynta iyo madaafiicda lagu garaacay magaalada Laascaanood, taasi oo burbur horleh u geysatay goobaha shacabka iyo caafimaadka.

Hoggaanka howl-galinta ciidanka Somaliland ahna Afhayeenka ciidanka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay tallaabadaas u qaaday si ay usii huriso xiisadda colaadeed ee ka taagan Laascaanood.

“Waxaa xaqiiq ah oo aan hayna in Al-Shabaab ay dumiso guryaha Laascaanood gudaheeda oo ay haddana tiraahdo waxa dumiyay ciidanka Somaliland, iyada oo dooneysa in marnaba nabad ka dhalan Laascaanood,” ayuu yiri.

“Arrintaas waxaa u xaqiijinayna dadka waxgaradka ah ee Laascaanood, dadka aan nabadooda dooneyn waa Al-Shabaab oo ka faa’iideysatay jaaniska maanta taagan ah ee shaqaaqada Laascaanood.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay awood u leeyihiin in dagaal qorsheysan ay ku qaadan gobolka, balse ay u turayaan magaalada iyo shacabkeeda, sidaas darteedna ay weli ku taagan yihiin go’aankii kasoo baxay xukuumadda ee xabad-joojinta.

“Dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Al-Shabaab iyo dhalinyaro caadifadeysan oo u dhalatay gobolka Sool, waxa intaas dheer Puntland oo daaha dabadiisa kaga jirta dagaalkaas oo aan ogsoonahay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dagaalkaas ciidanka Somaliland isaga oo awooda in uu dagaal caadi ah oo qorsheysan gobolka waxa uu weli u turayaa magaalada iyo in ay dunto Laascaanood. Ciidanka Qaranka waxaas oo dhan waxaa uga lex-jeclo badan dadka iyo guryaha muwaadiniinta leeyihiin.”

Afhayeenka ciidanka Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan gacmaha laaban doonin haddii lasoo weeraro oo ay iska celin doonaan, “Ciidanku gacan waxa uu ku sita nabada, gacana waxbuu iskaga celinaya. Marwalba waxa uu diyaar u yahay in uu iska difaaco ciiddii soo weerarta, gacan kulul ayuu ku dhufanaya.”

Hadalkan ayaa imanaya, ayada oo ciidamada Somaliland inta badan lagu eedeeyo inay madaafiic culus ku garaacan gudaha magaalada Laascaanood, ayada oo sawiro laga soo qaaday goobaha la sheegay inay madaafiicda ku dhacday laga dheehan karo burbur xoogan iyo baaxada duqeynta, taasi oo maanta ay iska fogeysay Somaliland.