Hay’adda NISA oo war culus kasoo saartay ganacsato ay AL-SHABAAB u yeereen

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay digniin ku socota ganacsato xogtooda la helay oo kooxda Al-Shabaab ay u yeertay.

Sida lagu cadeeyey qoraalka hey’adda, kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada reer Muqdisho qaar ka mid ah ku amartay inay ugu tagaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, waxayna NISA digniin u dirtay qof kasta oo amarkaas ay Al-Shabaab dul-dhigeen.

“Hey’addu waxay uga digeysaa ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna hantidaas loo isticmaalo gumaadka dad shacab ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Twitterka ee hey’adda ayaa sidoo kale digniin loogu diray dadka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ka dhowyihiin Al-Shabaab, iyadoo qoraalka lagu cadeeyey in kooxdu ay mar kasta bartilmaameed u tahay hey’adaha amniga.

“Hay’addu waxa ay ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadan xarumaha Khawaarijta, maadaama ay bartilmaameed u yihiin hay’adaha aminga dowladda federaalka.”

Digniintaan ka soo baxday hey’adda NISA ayaa ku soo aadeysa iyadoo galabta Guddiga Qaran ee ka hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada uu soo saaray go’aano culus, kuwaas oo la xiriira maal-gelinta argagixisada iyo shirkadaha dalka qeybahooda kala duwan.

Guddiga ayaa ugu horeyntii uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan arrinta la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

“Lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada waa dambiyo waaweyn, si waafaqsan qoddobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri digniinta guddiga.

Go’aanada kasoo baxay guddigan ayaa waxa lagu faray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefoonada (mobile money service providers) in ay diiwaan-geliyaan dadka qaadanaya lambarada cusub, oo ugu yaraan sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta oo loo furayo sim-kaar cusub.

“Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaan-geliyo muddo aan ka badneyn 90 cisho gudahood, si waafaqsan qoddobka 5-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Dowladda federaalka ayaa hore ugu guuleysatay inay si weyn u curyaamiso lacagihii baada ahaa ee kooxda ka heli jirtay gudaha caasimada, waxaana xiligan adag in ganacsatada si bareer ah ugu dhiiradaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab, hase yeeshe waxaa jira culeys uga imanaya kooxda oo ayadu wajaheysa dhaqaale xumo baahsan.

Si kastaba, tan iyo markii uu billowday dagaalka noocyada badan leh ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Hoos ka eeg digniinta NISA