Daawo: Deni oo shaaciyey arrin ku abuurtay dhismaha Madasha Badbaado Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulankii looga dhawaaqay ‘Madasha Badbaado Qaran’ ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda uu dalku marayo iyo baahida loo qabo in la bad-baadiyo.

Isbaheysigan cusub ee Muqdisho looga dhawaaqay waxaa ku bahoobay Puntland, Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta gobollada waqooyi, waxuuna sheegay Saciid Deni in Madasha Badbaado Qaran ay u furantahay oo uu ku biiri karo masuul kasta oo qeyb ka qaadanaya badbaadinta Soomaaliya.

Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayuu si adag ugu eedeeyey inay ku fashilmeen inay dalka doorasho ka qabtaan oo ilaaliyaan nidaamkii qori isku dhiibka ahaa ee Soomaalidu ku wada joogtay.

Saciid Deni ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee dhalisay in la aas-aaso Madashaan ay tahay wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii Febraayo oo uu ku tilmaamay khatartii ugu darneyd ee dalka soo martay waayahaan.

Xilligaas madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa awood ciidan ku fashilisay banaanbaxyo nabadeed oo ay soo abaabuleen xubnaha midowga musharaxiinta, waxaana meelaha qaar ka dhacay iska hor-imaadyo khasaare iyo qalqal sababay.

“Madashaan waxaa laga rabaa in majarihii qaloocday ay wadadii saxneyd ku soo celiso, waan u wada istaageynaa taas, siyaasi iyo argagixiso midna nagama hor istaagi doonaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sadiid Deni waxuu aad ugu mahadceliyey beesha caalamka oo uu sheegay in ay taageero weyn oo muhiim ah siiso Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay inay Isbaheysigaan cusub la dareento baahida loo qabo iyo dadaalka loogu jiro, sidii dalka doorasho wadar-ogol ah ay uga dhici laheyd.

Halkan hoose ka Daawo