DF oo diyaarisay qorshe culus kahor bisha Ramadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan u diyaar garoobeysa xoojinta amniga Muqdisho, inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan oo foodda nagu soo hayso, si looga hortego suurtagalnimada weeraro ay soo qaadaan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Booliska, Generaal Sulub Axmed Firin iyo duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa xalay booqasho ugu tegay ciidamada xasilinta caasimada ee Boolis Milataaro, kuwaas oo la howlgaliyay Ramadaankii hore, xilli ay Muqdisho ay ka taagnaayeen xaalado adag.

Madaale oo khudbad u jeediyay ciidamadan ayaa ku amaanay sida ay uga howlgaleen amniga caasimada, wuxuuna sheegay in sanad kadib la dareemayo isbeddal weyn.

“Waxay noqdeen wixii laga filaayay ama wal walka laga qabay ayay daaweeyeen, hadda waa sanad jirsadeen Ramadaankii hore aakhirkiisii ayay kusoo bireen sugitaanka amniga caasimada” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in bisha soo socota Ramadaan ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, ayna ka hortegaan wax kasta oo liddi ku ah amniga guud.

“Waxaan rabaa in hurdada laga kaco oo cadowga nagu soo maqan laga hortego, inta lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan” ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale yiri “Waxaan rajeyneynaa Ramadaanka aakhirkiisa meel aan meelahaan ahayn inaan ku baashaalno”.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ku jirtay xaalad deganaasho ah, waxaana yaraaday qaraxyadii iyo weeraradii kale ee ka dhici jiray caasimada.

Si kastaba, bishii Ramadaan ee la soo dhaafay ayaa waxaaMuqdisho wadooyinkeeda la dhigay Ciidamo farabadan oo ka qeyb qaatay sugida amniga,iyada oo dowladda ku dhawaaqday Nabad ku afur, waxaana amniga Magalada uu ahaa mid wanaagsan oo aysan ka dhicin falal amnidarro.