Daawo: DF oo ka hortimid mid ka mid ah qodobadii ka soo baxay Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka horyimid go’aankii kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee lagu amray AMISOM in la socoto dhaq-dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya, si looga hortaggo iska hor-imaadyo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa sheegay in Midowga Afrika uusan xaq u laheyn go’aan noocaas ah, wuxuuna ku tilmaamay go’aankaas mid lagu xaqirayo awoodda ciidamada dowladda, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin dalabkaan oo uu ku sheegay inay soo jeediyeen dowlado aan la magacaabin.

“AMISOM waajibaadkeeda kama mid ahan inay dabagal ku sameyso dhaqaqaaqa ciidamada dowladda, waxaa loogu talagalay inay ilaaliso xarumaha dowladda iyo madaxda Soomaaliya, sidoo kalena ay la dagaalamaan kooxaha argagixisada,” ayuu yiri wasiir Cabdifataax oo ka hadlay xaflad lagu taageerayey dowladda oo ka dhacday Muqdisho.

“Ciidamadii aan rabnay inay ka madax-banaanaadan miyaa hadda la leeyahay hadda ha waardiyeeyaan, maxay ka wardiyeynayaan, ciidamada ma shacabkooda ayay cunayaan? Maxaase kulmiyey hadalkan iyo hadalladii maalmahan ay wadeen walaalaheen ee ahaa ciidamada ha kasoo baxaan iyo ciidamada ha kala yaacaan.”  

“Ma dareemeysaan in qodobkaan ah in lala socdo dhaqaqaaqa Ciidamada Dowladda ay ku darsadeyn dowlado dariska ah oo aan dooneyn in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh iyo ciidamo dhisan?” ayuu waydiiyey wasiirka

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusii daray “Anaga ma rabno Dowlad daciif ah, dowladna waxay ku taagan tahay awood ciidan, Ciidamadeena way dhismayaan, waxayna hadda leeyihiin niyad wanaagsan.”

Sidoo kale Wasiir Cabdifataax ayaa xaqiijiyay in mudadii afarta sano ahayd ee sharciga ahayd iyo bilaha dheeriga oo ay dowladda jirtay mushahar joogto ah la siinayay askarta dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in loolanka ka taagan Doorashada Soomaaliya aysan aheyn mid kaliya ka dhaxeyso Soomaalida balse ay jiraan dowlado shisheeye oo qeyb ka ah in Soomaaliya aysan xasilin isla markaasna ka shaqeenayo danahooda sida uu hadalka u dhiga.

Soo jeedinta Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ee ah in lala socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada Dowladda ayaa ka dhalatay weerar dhacay 19 September 2021 oo lagu qaaday hoteel ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, sidoo kalana rasaas lala dhacay banaanbaxayaal ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin iyo madax hore.