Golaha Ammaanka QM oo war cusub kasoo saaray is-mari waaga doorashada Somalia

New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka QM ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay si qoto dheer uga walaacsan yihiin is-mari waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyayaasha Soomaalida ee ku aadan hannaanka doorashooyinka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in khilaafyada sii socda ee ku aadan hannaanka doorashada aysan baabi’ineyn oo kaliya horumarkii dhibka laga soo maray, balse ay sidoo kale dareenka ka weecinayaan dhibaatooyin joogto ah; oo ay ka mid yihiin daadadka, abaaraha, ayaxa, COVID-19, iyo la-dagaalanka halista kooxda Al-Shabaab.

Waxa ay sheegeen in heshiis laga gaaro doorashooyinka uu taagerayo fududeynta si wadista horumarka Soomaaliya iyo shacabkeeda.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen in heshiis la gaaro uu muhiim u yahay hanaan kasta oo doorasho in si guul leh loo fuliyo. Waxay xuseen in heshiiska 17-ka September uu yahay aas-aaska kaliya ee ay taageereen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayanaka.

“Sidaas darteed, xubnaha Golaha Ammaanka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada Soomaalida inay iska diidaan rabshadaha, dibna u billaabaan wada-hadallada si deg deg ah, ayada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.”

Waxay ugu baaqeen hoggaamiyayaasha Soomaalida inay xaliyaan arrimaha harsan, ayna hormariyaan danta shacabka Soomaaliyeed marka hore, ayna si deg deg ah isugu raacaan hanaan doorasho oo leh waqti cayiman.

Waxay intaas ku dareen in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, oo kaashanaya AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo saaxiibada kale ee caalamiga uu diyaar u yahay inuu caawiyo. 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyey codsigii Farmaajo uu u jeediyey madaxweynaha DR Congo, ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee ahaa inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, waxayna taageero u muujiyeen dadaallo gobolka uu hoggaaminayo oo miiska wada-hadalka la isugu keeno dhinacyada Soomaalida.