Farriinta Midowga Yurub ee Soomaaliya kadib go’aankii Midowga Afrika (Aqriso)

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa taageeray go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ee lagu cambaareeyey muddo kororsiga labada sano ah ee Farmaajo iyo golaha shacabka.

Wakiilka sare ee Midowga Yurub ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrel ayaa sheegay in go’aanda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yihiin kuwa muhiim ah oo lasoo dhoweeyo

“Midowga Yurub wuxuu taageerayaa diidmada muddo kororsi kasta, wuxuuna sugayaa in deg deg loogu laabto wada-hadallada, ayada oo uu fududeynayo ergeyga Midowga Afrika, si loogu guuleysto heshiisyo doorasho oo saldhig looga dhigayo heshiiskii 17-ka September 2020,” ayuu yiri Borrel oo soo saaray war-saxaafadeed.

Borrel ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo baaqa ku saabsan inay kulmaan dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom Troop Contributing Countries (TCC), si ay u qiimeeyaan xaaladda amni ee Soomaaliya. 

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrik ayaa shalay ka codsaday Amisom inay isha ku hayaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya, islamarkaana kulan arrintan ku saabsan ay yeeshaan dalalka ciidamada ku tabaruca.

“Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo ergeyga Midowga Afrika, islamarkaana wuxuu codsanayaa degenaansho iyo in laga fogaado ficil kasta oo kasii dari kara xiisadda,” ayuu yiri Wakiilka saree e Midowga Yurub ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrel.

Go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa dhabar jab weyn ku noqday Farmaajo, ayada oo ururka Midowga Afrika uu ahaa kan kaliya ee ka harsanaa beesha caalamka, xilli ay horey muddo kororsiga ay u diideen QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo dhammaan dalalka Yurub.