Daawo: DF oo shaacisay guulaha laga gaaray howlgallada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay maanta kula wareegeen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood oo warbaahinta la hdlay ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

“Cadowga Al-shabaab waxaa maanta ciidamada iskaashanaya ay kala wareegeen deegaan Qaayib, oo ah deegaan muhiim ah, waxayna cadowga burburiyeen ceelashii biyaha ee deegaanka iyo xarumihii isgaarsiinta oo ay dadku isticmaali jireen, ka hor inta aysan ka cararin deegaanka,” ayuu yiri Jenaraal Caanood.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay howlagallada Hiiraan, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay shalay dagaal xoogan Al-Shabaab kula galeen deegaanka Moora-eri ee gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dagaalkaas kooxda looga dilay ilaa 6 xubnood, iyadoo ciidamadu ay la wareegeen deegaankaas oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda difaaca ayaa ka hadlay howlgalka xoreynta degaanka Masaajid Cali-gaduud ayaa sheegay in halkaas ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka guulo ka hooyeen.

“Deegaanka Masjid Cali-gaduud waxaa weli ka socda howlgalka lagula dagaalamayo Shabaab, waxaa halkaas ka socda dagaal iyo duqeymo lagu beegsanayo cadowga, wuxuu deegaankaasi ahaa mid muhiim u ah kooxda, waxay canshuurta uga qaadi jireen gaadiidka isaga gudba gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe,” ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay deegaankaas ku mitidayaan oo ay doonayaan inay Masjid Cali-gaduud ka difaacdaan degmada Aadan-Yabaal oo ah saldhigooda ugu weyn ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoos ka daawo