Daawo: DF oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso kadib fadeexaddii Nasra Abuukar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay guul-darradii Soomaaliya kasoo gaartay tartankii orodka ee lagu qabtay Shiinaha.

Wasiirka ayaa marka hore iska fogeeyay in wasaaraddu ay wax door ah ku laheyd xulidda gabadha Soomaaliya ku metaleysay tartankaas oo lagu magacaabi Nasra Abuukar Cali.

Barre ayaa shaaca ka qaaday in tartanka uusan heer qaran, balse uu ahaa midka jaamacadaha aduunka, isla-markaana gabadhan aysan soo xulin wasaaradda, balse marka ay baxaysay kaliya lasoo ogeysiiyay, isaga oo eedda dusha ka saaray xiriirka diray.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in gabadhan ay ka socotay mid kamid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, sidaasna ay ku baxday.

“Sida ay ku tegtay ama sifaha lagu xulay ma aysan aheyd wax ay ogeyd wasaaradda” ayuu yiri wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan ay aad uga xun yihiin, kana raalli-gelinayaan bulshada, sida wax u dhaceen & guul-darrada weyn ee soo gaartay Soomaaliya.

“Waxa maanta dhacay ma aheyn wax munaasab ku ahaa dadka Soomaaliyeed, runtii ka wasaarad ahaan aad ayaan uga xunahay, waana ka raalli gelineynaaa bulshada” ayuu sii raaciyay.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaradaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay qaadayaan tallaabo ku aadan arrintan, isla-markaana ay baarayaan, sida lagu soo xulay Nasra.

“Arin aad u foolxuma badan ayay aheyd ee tartankii Shinaha magaca Soomaaliyeed iyo calanka meel uusan istaahilin ayaa la dhigay gabadha ka qeybgashay tartankaasi orodka sida loo soo xulay waan baareenaa” ayuu mar kale yiri wasiir Maxamed Barre Maxamuud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo hadal heyn xoogan ay ka dhalatay ka qayb-galka tartanka ee gabadhan oo kaalinta u dambeysa ka gashay orodka, waxayna dad badan su’aal ka keeneen qaab dhismeedkaa & in aysan u diyaarsaneyn tartan noocaas oo kale ah.