Daawo: DF oo soo qabatay raggii laayey reer Muqdisho oo qiranaya kiisas yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowaldda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay rag loo qabtay fududeynta iyo ka qeyb galka weerarradii Hotel Xayaat, Hotel Elite, Hotel Afrik, xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo hoobiyaal lagu garaacay Muqdisho.

Raggan ayaa sidoo kale gacan ka geystay qaraxyadii dadka badan lagu halaagay ee loogu magacdaray Soobe 2, Hotel Villa Rays, Hotel Pral Beck, Stadium Muqdisho, maqaayadda Jawi Coffe iyo goobo kale oo dad badan lagu laayey.

Dhammaan weeraradaas waxay dowladda Soomaaliya diiwaan gelisay in lagu laayey dad ka badan 400 oo qof, waxaana lagu dhaawacay oo qaarkood naafo daran ku noqday boqolaal qof oo dad Soomaaliyeed ah, kuwaas oo aan waxaba ka galabsan ragga maanta hor taagan cadaaladda.

Ugu yaraan shan nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo weeraradaas wax ka qorsheeyey, waxna ka fuliyey ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka Gungaar ee ka baxa Warbaahinta Dowladda Soomaaliya, kaas oo diiradda saara cadeymaha laga helo dhagarta Khawaarijta.

Xubnaha lagu soo bandhigay barnaamijkaan ayaa si furan uga sheekeynaya doorkii ay ku lahaayeen weerarradii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho, waxayna qirsan yihiin inay dadka reer Muqdisho u maleegayeen nolol halaag ah, balse midba mar ayuu ku soo dhacay dabinka weyn ee dowladda.

Al-Shabaab-ka nolosha lagu hayo waxay ka sheekeynayaan sooyaalkooda, wuxuuna mid kasta ka warbixinayaa sidii ay ugu suurta gashay inuu ku biiro argagixisada iyo halkii uu kaga biiray.

Tababaro ayey ku soo qaateen deegaanada Al-Shabaab, mid kasta markii loo soo wareejiyey Muqdisho, wuxuu qirayaa in dhibaatada ugu badan ay ka mari jireen sidii ay qaraxyo u soo geli lahaayeen Muqdisho, maadaama ciidamada ammaanka ay u yaallaan baro koontrool oo adag.

Ragaan waxay ka soo muuqdeen maxkamadda ciidamada, waxayna wajahayaan cadaaladda, qaarkood waxay muteysan karaan dilal toogasho ah, maadaama weerarro ay fuliyeen lagu laayey dad badan oo reer Muqdisho ahaa.

Waxyaabaha yaabka leh oo ay ka sheekeynayaan waxaa ka mid ah sida ay ugu suurtageli jirtay in xeryaha dowladda, waxayna bixiyeen xogo xasaasi ah, “Ma jirto Hoobiye aan la hageyn oo lasoo rido” ayuu yiri Yuusuf oo ka mid ah ragga nolosha lagu hayo ee Hoobiyaha ku soo weerari jiray dadka ku nool caasimadda Muqdisho.

Inta badan hoobiyaha ay ku garaacaan Muqdisho kuma dilaan ciidan ama masuuliyiin dowladeed, balse waxay ku laayaan Shacabka, balse Al-Shabaab waxay ku raaxeystaan xasuuqa shacabka, taas oo waxaba kama jiraan ka dhigeysa bartilmaameedka ay sheegayaan inay ku ridi jireen Hoobiyaha lagu garaaco Muqdisho.

Hoos ka daawo Barnaamijka Gungaar