Daawo: DF oo tababar dibadeed u qaaday cutubkii ugu horreeyey oo gabdho ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyey cutubkii ugu horeeyay ee gabdho kamid noqonaya ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo tababar heer sare ah ku soo qaadanaya dalka Turkiga.

Gabdhahaan oo gaaraya 49 askari waa kuwii ugu horeeyey oo iyagoo hal cutub ah ay dowladda Soomaaliya tababar ugu dartay dalka dibadiisa, waxayna bilihii lasoo dhaafay tababar hor dhac ah ku qaadanayeen xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka mid ahaa saraakiishii gabdhahaan ka sagootisay garoonka Aadan Cadde ayaa kula dar-daarmay inay noqdaan kuwii difaaci lahaa sharafta iyo nabad geliyada shacabka Soomaaliyeed

Taliye Xijaar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku yiri, “Waxaan galabta Garoonka Aadan Cadde ku sagootinay 49 gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo u dhoofay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, si ay usoo qaataan tababar heerkiisu sarreeyo, iyagoo ku biiraya dedaallada loogu jiro dhismaha iyo tayaynta CBS.”

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed oo gabdhahaan la dardaarmeysay ayaa tiri, “Hadaa ka kala imaateen qabiilo ama guryo kala duwan, maanta dhamaantiin waxaa tihiin koox ka wada tirsan Haramcad… Qarankiina garab u noqda, gabdhaha Soomaaliyeed waxay la kulmaan dhibaatooyin badan, maanta waxay u baahan yihiin gabdho ciidan ah oo xuquuqdooda u difaaca.”

Ciidanka gabdhahaan lagu biirinayo ee Haramcad ayaa haatan la sheegay in tirahaan uu gaarayo illaa 900 oo askari, waxaana tababartay dowladda Turkiga, haatan waxay ka kala howlgalaan Muqdisho iyo magaalooyin kale, sida Beledweyne, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhaba.

Hoos ka Daawo

Sawirrada hoos ka eeg