Villa Somalia oo gacanta ku dhigtay inta badan hoggaanka guddiyada doorashooyinka (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib usoo laabtay inta badan hoggaankii Guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed, kuwaasi oo dib loogu doortay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online

Inkasta oo isbeddel iyo kala shaandheyn lagu sameeyay xubnihii guddiyada doorashooyinka ee lagu muransanaa, haddana ma jiro wax is bedelay oo ku aadan hoggaanka guddiyadaas oo sidoodii hore u soo laabtay, marka laga reebo inyar, midaasi oo dadaalkii mucaaradka ka dhigeysa mid aan miro-dhalin.

Sidoo kale, Caasimada Online ayaa fahamsan in hoggaanka guddiyada doorashada heer federaal, guddiga xalinta khilaafaadka, iyo guddiyada HirShabelle, Koonfur Galbeed, Somaliland (Weli waa la isku haystaa) iyo Banaadiringa ay taabacsan yihiin Villa Somalia ama ugu yaraan heshiis kala dhaxeeyo, taasi oo awood ballaran siineysa madaxtooyada.

Waxaa durba soo baxaya hubaal la’aan ku aadan dhex-dhexaadnimada guddoonka guddiyadaan dib loo doortay, maadaama ay ku jireen ragii Midowga Musharaxiinta ay soo eedeeyeen, balse ka bad-baaday kala shaandheyntii xubnaha qaar looga saaray guddigii hore ee lagu muransanaa.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa kal hore gudbiyey 67-xubnood oo kamid ahaa guddiyada doorashada, kuwaasi oo ay cabasho ka qabeen, hase yeeshe waxa laga saaray guddiyadaas 34 xubnood oo keliya, halka laga bad-baadiyey 33 xubnood oo kale. 34-ka lasoo beddelay ayaa badankood noqday kuwa aan aragti ahaan wax badan dhaamin kuwii cabashada laga gudbiyey.

Guddiga xaqiiqo raadinta ee loo xil-saaray cabashada mucaaradka ayaa warkooda dib loo maqal kadib markii ay go’aamiyeen in 34 xubnood oo keliya laga saaro guddiyada doorashada, mana jirto jawaab ay ka bixiyeen dalab uu u direy Golaha Midowga Musharaxiinta.

Golaha ayaa 9-ka bishii hore ee 6-aad ka dalbaday Guddiga xaqiiqo raadinta in si daah-furan oo madax-banaan u soo bandhigo habraaca iyo hanaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed.

Hogaanka guddiyada doorashada ee dib u soo laabtay ayaa ka dhigan in wax macno leh ay iska bedeleen cabashadii mucaaradka, islamarkaana uu fashilmay dadaalkii ay ugu jireen wax ka bedelka guddiyadaas, maadama guddiyada badankooda ay kusoo laabteen hogaanka shaqsiyaadkii hore.