Daawo: DF oo xalay tallaabo qaaday kadib WEERARKII agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo ay uga jawaabayaan weerarkii hoobiye ee shalay lagu garaacay agagaarka dhismaha Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan Xamarweyne iyo Warta Nabadda.

Ciidamada Booliska oo kaashanaya qaar kamid ah maamullada degmooyinka ayaa bilaabay howlgallo lagu sugayo amniga degmooyinka dhaca bartamaha caasimada.

Howlgalkan oo lagu magac daray qof iyo guri ayaa waxaa xalay lagu bilaabay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo kamid ah meelaha lagu weeraray hoobiyaha.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka geysato Muqdisho.

Sidoo kale waxaa howlgalka lagu soo qabtay tiro dad ah, Qamri, Xashiis iyo Calaq, sida ay shaaciyeen hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne, Daahir Maxamed Axmed oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalka laga sameeyay degmadiisa.

“Waxaa sameynay howlgal loogu magac daray qof iyo guri howlgalkan wuxuu ka socon doonaa guud ahaan gobolka Banaadir, si gaar ah hadda wuxuu uga socdaa qaybta bartamaha,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in la soo saaro xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan Xamarweyne.

“Waxaa la rabaa in la soo saaro cadowga ku dhex dhuumaaleysanayo bulshada ee raba inay qal-qal geliyaan amniga dalka, maanta hoobiye la soo tuuray canug yar oo 5 jir ah ayaa ku dhaawacmay muxuu haleeyay? oo gacmihii iyo lugihii ay burbureen” ayuu sii raaciyay.

Muqdisho ayaa wajaheyso xaalad amni, waxaana labadii maalin ee ugu dambeeyay ka dhacay weeraro lagu beegsaday agagaarka Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir.