Daawo: DF Soomaaliya oo digniin culus ka soo saartay munaasabada 1-da Luuliyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Buula-Kamey ayaa soo saaray digniin ku socota ciidamada dowladda Soomaaliya, taas oo la xariirta dabaal degga munaasabadda 1-da Luuliyo.

“Ummada Soomaaliyeed ee u dabaal degeysa munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa mamnuuc ah in rasaas lagu argagixiyo ama dhibaato ay u geysato,” ayuu yiri Jeneraal Buulakamey.

Xeer ilaaliyaha ayaa qiray in sanadkii hore rasaas ay rideen ciidamada dowladda ay shacabka u geysatay khasaare, isagoo ka digay in taas oo kale ay soo noqoto.

“Sanadkii hore waxaa dhacday in rasaastii macna darrada loo riday in dad shacab ah ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo aan waxba galabsan, sidaas darteed digniin waxaan u jeedinayaa ciidamada qalabka sida, cid kasta oo waxyeelo geysata ama rasaas dadka ku argagixisa iyadoo munaasabada ku marmarsiyooneysa, waxaan hor keeni doonaa sharciga, ciqaabta u qalanta ayaana marsii doonaa,” ayuu Xeer ilaaliye Buulakamey hadalkiisa ku sii daray.

Soomaaliya ayaa ku guda jirta dabaaldegga todobaadka xorriyada, waxaana caawa ilaa berri oo Khamiis ah loo dabaal degi doonaa munaasabadda 1-da Luuliyo oo ku asteysan 61-sano ka hor markii ay gumeystihii Talyaaniga ka xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka, isla markaana ay midoobeen gobollada koonfur iyo waqooyi ee Jamhuuriyadda xorta ah ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo