Daawo: Booliska oo war ka soo saaray howlgalkii cuslaa ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo lagu soo qabqabtay burcad maalmihii u dambeeyey dhac xoog leh ka geysatay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in burcad dhac laba maalin ka hor dhac u geysatay dukaan ku yaalla isgoyska Soobe ay ku guuleysteen inay soo qabtaan mid ka mid ah labadii nin ee dhaca u geysatay dukaankaas oo aad baraha bulshada loogu faafiyey saacadihii u dambeeyey.

Sidoo kale Burcad kale oo dhac ka kala geysatay isgoyska Tarabuunka, inta u dhaxeysa isbitaallada Banaadir iyo Digfeer iyo isgoyska Al-Barako ayuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen, kuwaas oo lagu soo qabtay gaadiid ay wateen iyo agabkii ay dadkaas ka dhaceen.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ay hayaan hanti badan oo isugu jirta moobeello, Dahab, mooto Bajaaj iyo Lacag, kuwaas oo dib loogu celi doono dadkii lahaa.

Ugu dambentii afhayeenka booliska Soomaaliya waxa uu sheegay in dukaankaas laga dhacay 19 taleefoon oo 15 ka mid ah ay Iphono ahaayeen.

Dhanka kale waxaa iska goobtaas warbaahinta kula hadlay milkiilaha dukaankii aad ugu faafay baraha Bulshada iyadoo dhac loo geysanayo maalin cad.

Milkiilaha oo uu garab taagnaa wiilkii xilligaas ku sugnaa dukaanka oo dhaawac uu ka soo gaaray bistoolad ay tuugadu madaxa uga garaaceen, ayaa u mahad celiyey ciidamada ammaanka iyo warbaahinta oo aad u baahisay dhacii loo geystay dukaankiisa.

Hoos ka Daawo Afhayeenka iyo Milkiilaha dukaankii la dhacay