Magacyada 8 qof oo Al-Shabaab ay maanta toogteen iyo tirada guud ee toddobaadkan oo gaartay 24

Muqdisho (Caasimada Online)- Ururka Al-Shabaab ayaa galabta mar kale 8-qof ku toogtay fagaare ku yaalla deegaanka Kuunyabarow ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo ay ku soo eedeeyeen basaasnimo.

Nin sheegtay Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka raggaas la dilay ayaa sheegay in dhammaantood ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay oo ah inay u basaasayeen diyaaradaha duqeymaha u geysta kooxda ee dowladda Mareykanka.

“Dadka maanta la dilay waxaa kamid ah laba Nin oo mas’uul ka ahaa inta badan duqeymihii ay diyaaradaha  Mareykanka  sanadihii lasoo dhaafay ka geysanayeen magaalada Kuunyo Barroow iyo hareeraheeda,” sidaas waxaa ku warantay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo maalinkii Al-Shabaab deegaanada Puntland looga toogtay 21 nin oo kala shaqeyn jiray dilalka qorsheysan, waxay kordhiyeen toogashada dadka ay ku eedeynayaan inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee ka caawiya dhanka ammaanka, sida dowladda Mareykanka oo diyaaradeheedu ay duqeymo la beegsadaan kooxda.

Afartii maalmood ee u dambeysay fagaarayaal ku kala yaalla degmooyinka Jilib, Kuunyabarow, Buula-fulaay iyo Saakow oo dhamaantood ka tirsan Koonfurta Soomaaliya ayey ku toogteen 24-qof oo haweeney ay ku jirto.

Dhammaan dadkaas waxay kooxdu ku eedeysay inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya. Cabsi xoog leh ayaa la soo warinayaa inay soo wajahday dadka ku nool gobollada ay dalka ka maamulaan Al-Shabaab.
8-da qofood ee maanta lagu toogtay Kuunyo Barrow ayaa lagu kala magacaabi jiray:

1- Calas Cali Cabdulle oo 51 sano jir ah, 2- Cabdi-Waaxid Cabdullaahi Diiriye Carrabey oo 25 sano jir ah, 3- Cabdulqaadir Maxamed Abow, 4- Abuu Cabdinuur Fanaay Abuu Weershe oo 35 sano jir ah, 5- Cumar Cabdiraxmaan Cumar Dooyow oo 36 sano jir ah, 6- Xasan Cabdulqaadir Cumar, Xasan Beeriyow oo 31 sano jir ah, 7-Abuukar Cabdi Cumar Abuukar Baseey oo 31 sano jir ah, 8- Jeylaani Mayow Sheekhunaa oo 41 sano jir ah.