Daawo: DF Soomaaliya oo Mareykanka kala wareegtay hub iyo saanad ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo maanta ay kula wareegtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saanadan ciidan oo Mareykanka ugu deeqay ciidamada xoogga dalka, ayaa waxa howl-wadeenada safaaradda kala wareegay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage.

Wasiir Jaamac oo ka hadlay munaasibada ay kula wareegeen saanadan ciidan ayaa waxa uu sheegay inay iskugu jirto hub iyo rasaas, taasi oo wax weyn ka tari doonta dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa guud ahaan dowladda Mareykanka taageerada hagar la’aanta ee ay na-siinayaan waqtiga muhiim ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab dagaal aad u xoog u badan oo xaqiiqdii aan aaminsanahay in kaalmadooda wax weyn ka tahay,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in taageerada Mareykanka uu maanta soo gaarsiiyay ay kusoo aaday xilli loo baahna, islamarkaana ay meel xasaasi ah marayaan howl-galada ka socda dalka.

“Maanta in dowladda Mareykanka ay soo gaarsiiso taageeradaan dhinaca saanada hubka oo la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya waxay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonta tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho. Waxay sare u qaadi doonta iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada.”

Hubka iyo saanada ciidan ee maanta ay la wareegtay dowladda federaalka ayaa waxaa si gaar ah loogu tala-galay Ciidamada kumaandooska Danab, oo uu tababaray Mareykanka.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii uu sidan oo kale Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u soo gaarsiiyay hub ay ugu tala-galeen isla ciidanka Danab, oo iyagu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka