Golaha Ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeeshay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la-socodka cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa yeeshay kulan xasaasi ah, kaasi oo ay doodayeen hubka sida sharci darrada ah isaga kala goosha Soomaaliya iyo Yemen.

Kulankan ayaa sidoo kale waxay guddiga iskula qaateen in cuna-qabateyn lagu soo rogo dadka dhibaatada ku ah nabadda iyo amniga Soomaaliya, taasi oo lagu saleynayo istaratiijiyadda dowladda ee ah in Al-Shabaab lagu wiiqo millateri ahaan iyo ka hortaga fikirkeeda diimeed.

Guddiga ayaa waxay sheegeen inay sii wadi doonaan baaritaanka illaha dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jiraan dhaqaalaha badan ay ka helaan dekeddaha ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan tan caasimada Muqdisho iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Golaha ammaanka ee QM ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay dowlad-goboleedyada dalka inay dhaqan-geliyaan go’aannada golaha ee ka hortagga maal-gelinta argagixisada.

Go’aanadan ayaa waxaa ku jira tallaabooyin lagu xakameynayo awoodda kooxda Al-Shabaab ee ah inay helaan lacag, hub iyo taageero kale, oo la xiriirta howlahooda argagixiso.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii ay ciidamada Mareykanka qabteen doon maraysay biyaha caalamiga ah ee u dhaxeysa Iran ilaa Yemen, taasi oo siday in ka badan laba kun oo qoryaha loo yaqaano AK-47.

Inta badan hubka sharci darrada ah ee lasoo galiyo gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lasoo mariya dhinaca Badda, waxaana la rumeysan yahay in hubka u badan ee kooxaha xagjirka ah uga imaado dhanka Yemen.