DF oo shaacisay inay howlgal ku dishay seddax horjooge oo caan ah + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo saraakiil sare ay ku jiraan, duqeyntaan ayaa galabta ka dhacday degaanka Buurweyn oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Jalalaqsi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalkaan howlgalkaan ayaa lagu beegsaday saraakiil sare oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ku raad joogtay, kuwaas oo saarnaa Gaari uu leeyahay sarkaal lagu magacaabo Ibnu Bashiir.

“Ninkaan ayaa ahaa horjoogihii maleeshiyada ay khawaarijta ugu yeeraan Xisbada ee gobalka Hiiraan, wuxuuna xilligaas gaarigiisu taagnaa meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah,” ayaa qoraalka dowladda lagu yiri.

Qoraalka ayaa intaas ku soo daray, “Waxaa sidoo kale howlgalkaan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka maleeshiyada ay ugu yeeraan xisbada Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ragaas lala dilay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwo joogay halka uu howlgalku ka dhacay.

“Howlgalkaan oo dhacay galabta abaaro 4-tii galabnimo, ayaa waxaa wali socda qiimaynta kama danbaysta ah ee khasaaraha Khawaarijta ku gaaray howlgalkaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii bayaanka dowladda waxaa lagu yiri, “Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka dagaalameysa qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxayna Buurweyn ku jirtaa deegaanada istaraatiijiga ah ee weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

#image_title