Daawo: Jubbaland oo Janan iyo Fartaag ku eedeysay dilka Bakaal Kooke iyo sarkaal kale

Doolow (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland u qaabilsan gobolka Gedo ayaa eedeyn culus dusha ka saaray siyaasiyiin ka socota dowladda federaalka oo maalmahaan ku sugnaa gobolkaas.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo, ahna u qaabilsanaha arrimaha gobolka Gedo ee Jubbaland Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) ayaa ka hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow.

Macalimuu ayaa sheegay in Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan siyaasiyiinta ay hoggaaminayaan ee gobolka Gedo ku sugan ay ka dambeeyeen dilalkii loo geystay saraakiil ay ku jiraan Taliyihii NISA Bakaal Kooke iyo taliyihii sariirtiisa qaraxa loogu xiray ee ururka Beledxaawo.

“Wasiirradii hore iyo Senatorka markii ay gobolkaan yimaadeen waxaa dhacay dilal aan caadi aheyn, saraakiishii gobolka ka shaqeyneysay ayaa la dilay, waxaana la dhihi karaa ayagaa ka dambeeyey dilalkaas, hadana waxay bilaabeen fowdo kale,” ayuu yiri guddoomiye Macalimuu.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in siyaasiyiintaas ay hadda doonayaan inay xero ciidan ka dhisaan degmada Baardheere “Waxaan u mahad celinayaa shacabka reer Baardheere oo diiday in xeryo ciidan ay ragaasi halkaas ka furaan, waa mahadsan yihiin odayaasha reer Baardheere,” ayuu yiri Macalimuu.

Siyaasiyiintaas ayaa sheegay inay gobolka ka abaabulayaan ciidan macawiisley ah oo ay sheegeen inay Shabaab uga xoreynayaan Bu’aale, “Ciidan aysan Jubbaland iyo dowladda dhexe ka war qabin ayey rabaan inay aas-aasaan, raggaas waxaan leeyahay dowladda dhexe wax haka qabato,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Macalimuu.

Jubbaland ayaa Janan iyo Fartaag ka codsatay inay joojiyaan kala furfurka iyo abaabulka ay ka wadaan gobolka Gedo, maadaama ay wax ka soo dhiseen maamulka Jubbaland.

“Hadii ay baaqeena maqli waayaan, dowladda waxaan ka rabnaa inay qaado tallaabo deg deg ah, hadii ay ka qaadi weysana anagaa ka qaadeynaa,” ayuu yiri guddoomiye Macalimuu oo Jubbaland wakiil uga ah gobolka Gedo.

Sidoo kale Macalimuu wuxuu ka hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday Doolow iyo kiiskii ka horeeyey ee maxkamadeyntiisa la isugu tegay halkaas.

Macalimuu ayaa sheegay in dadka reer Doolow ee shalay dagaalamay ay qaldanaayeen oo dowladda iyo maxkamadda ciidamada ay ku qanacsan yihiin, maadaama uu Doolow tegay Shuute, wuxuuna madaxweynaha iyo maxkamadda ka codsaday in kiiskaas cadaaladda la marsiiyo oo sarkaalkii ninka dilay la toogto.

“Shaqaaqadii shalay ka dhacday Doolow waxaa ka dambeeyey oo shacabka abaabulay nimankaas siyaasiyiinta ah, Gedo qas kuma jiri karto waana iska qaba doonaa nimankaas, cadaalad uma dhimana kiiskaas hadii Shuute Gedo yimid, waxaana maxkamaddalaga rabaa inay baaritaan ku sameyso oo la maxkamadeeyo ragii shalay soo abaabulay shaqaaqada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo