Dagaal khasaare dhaliyey, kana dhashay is qab-qabsi maamul oo ka dhacay Bardaale

Bardaale (Caasimada Online) – Magaalada Bardaale ee gobolka Bay waxaa shalay ka dhacay dagaal culus oo ka dhashay muran dhanka maamulka ah oo ka jira magaalada, waxaana hadda la dareemayaa xaalad jaho wareer ah.

Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii galaamay ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen shaqaaqada ka dhacday degmada Bardaale ee gobolka Bay, waxaana arrinta la isku hayo ka hadlay dhinacyadii dagaalamay.

Goobjoogayaal ku sugan Bardaale ayaa Caasimada Online u sheegay in ku dhawaad 10 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxaana magaalada weli ka taagan xiisad culus oo dhismaha maamulka magaalada salka ku heysa.

Maxamed Isaaq oo ah guddoomiyaha degmada Bardaale oo hoggaaminayey garab ka mid ah ciidamadii dagaalamay ayaa sheegay inay weerareen ciidamo ka yimid magaalada Baydhaba oo diidanaa maamulkiisa.

Ninkaan ayaa ku dooday in ciidankaas ay carqaladeeyeen maamulka, isla markaana ay isbaarooyin dhigteen magaalada Bardaale gudaheeda oo bulshada ay ka diideen wax kasta oo xal noqon karay.

“Waxay bilaabeen fowdo iyo inay dhahaan maamul halkaan kama jiro, waxay dhigteen isbaarooyin, waxayna diideen wax kasta oo odayaasha dhaqanka ay soo jeediyeen, taas ayaa sababtay in magaalada aan dagaal uga saarno,” ayuu yiri Maxamed Isaaq oo la hadalay VOA.

Wuxuu sheegay in arrintaan ay dagaal huri weysay, “Todobaad ayey joogeen, ka maamul ahaan wax kasta oo xal ah ayaan raadinay, hadda nimankii burcada ahaa waan ka saarnay magaalada,” ayuu yiri Guddoomiyaha Bardaale.

Dhinaca kale, Cabdi Madoobe Mursal oo hoggaaminaya ciidanka dagaalka looga saaray degmada Bardaale ayaa sheegay in maamulka Bardaale ay ka dhistay wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed uusan aqoonsaneyn.

“Waa gacan ku rimis maamul kama jiro Bardaale, magaalada xaalkeedu waa degan yahay hadda, oo qolo kasta halkeedii ayey joogtaa, khasaaraha dhankooda ayuu u badan yahay, sababtoo ah ayaga ayaa nasoo weeraray, waana jebinay,” ayuu yiri sarkaalka hoggaaminaya ciidanka la dagaalay maamulka ka jira degmada Bardaale ee gobolka Bay.