Xeer ilaaliyaha oo fasiraad ka bixiyay xariga Cabdalla iyo tallaab uu ka qaadayo taliyihii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa fasiraad yaab leh kasoo saaray xariga Wariye Cabdalla Axmed Muumin, kaasi oo uu sheegay in xarigiisa loo maray sifo sharci ah.

Xeer Ilaaliyaha ayaa xariga Wariyahan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) ku difaacay xukunkii ay 13-kii bishaan ku riday maxkamadda gobolka Banaadir, kaasi oo ahaa lab bilood oo xabsi ah.

“Ciidanka Booliska oo fulinaya amarka hay’adda Garsoorka, islamarkaana gudanaya waajibaadkiisa sharci si waafaqsan ayaa gacanta kusoo dhigay xukunsanaha dibna xabsiga dhexe ugu soo celiyay 23/02/2023, maadama loo diiwaan-geliyay in uu baxsad ahaa muddo 10 cisho ah.”

Cabdalla Muumin oo xukunkaas kadib ay sii daayeen taliyaha iyo saraakiisha xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa sii deyntaas u cuskaday kadib markii ay isku fiiriyeen muddada lagu xukumay iyo inta uu hore u xirna, sidaasna ay ku fasaxeen maadama uu hore u dhameystay xukunka lagu riday.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in sifo sharciga baal-marsan ay saraakiishaas ku sii daayeen Wariyaha, islamarkaana uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud uu baaris ku wado dhacdadii ay ku sii daayeen.

“Maadaama ay sii-dayntu baalmarsaneyd sharciga, waxaa loo diiwaan-geliyay in uu xukunsanuhu yahay baxsad, waxaana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed amar lagu siiyay in ay dib u soo xiraan xukunsaha, si waafaqsan Qod: 35aad faqradda 1-aad Xarafka B ee XHCS.”

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in cid walba oo danaynaysa kiiska Wariyaha ay tahay in sifo sharci ah ku raadsadaan xuquuqdooda, islamarkaana ay dhowraan madax-banaanida Garsoorka iyo shuruucda dalka, sida lagu yiri qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa imanaya xilli ay shalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay guddoonka golaha u gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayaan in Wariye Cabdalla Muumin xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale dhawaan ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, kaasi oo ay sheegtay inuu ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maalintii Khamiista waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay, xilligaasi oo uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.