Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta xukun ku ridday Cabdalla Muumin

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyn maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwaddii loo heystay Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Cabdalla Axmed Muumin lagu xukumay laba bilood oo xabsi ah.

Garyaqaan Saalax ayaa sheegay in go’aankan loo cuksaday hal qodob oo kamid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla iyadda oo labada kale lagu waayey.

Maxkamadeynta Wariyahan ayaa soo martay illaa 4 wareeg, ayada oo su’aalo toos ah uu weydiiyey guddoomiyaha Maxkamadda, isaguna uu toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey Maxkamadda, waxaana ninkan markii ugu horeysay la xiray October 2022-kii.

Dhanka kale qareenada difaayay Wariye Cabdalla Muumin ayaa dood ka keenay xukunka au ku riday Maxkamadda waxayna ka qaateen racfaan, si markale loo furo dooda kiiskan.

Kiiska Cabdalla Muumin ayaa soo if-baxay kadib amarkii dowladda ee ahaa in aan la baahin karin wararka Al-Shabaab, kaas oo uu ka horyimid, kadib markii uu ka hadlay shir jaraa’id oo ay ururada u dooda saxufiiyiinta madaxa bannaan ay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowladdu dooneyso in gabi ahaanba Al-Shabaab saaxada laga tirtiro.

Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xadgubeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, isla markaana ay go’aanadaasi caburin yihiin.