Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in howlgal lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay saameeyn ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.

“Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

“Howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo lagu yiri warsaxaafadeedka “Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan”.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo ka hadashay amiga Muqdisho ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna howlanaa amni darro.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay digniin u dirtay ciidamada dowladda ee dilalka ka geysta caasimada, maadaama ay kordheen dhibaatooyinka ay u geysanayaan shacabka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana iska kaashanayaa dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo dadka deegaanka.