Shabaab oo la sheegay inay gaajo ugu la’anayaan kaymaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Maxamuud Macallin Yaxye ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan keymaha, kadib markii ay u carareen duurka fog.

Maxamuud Macallin ayaa waxa uu sheegay in guusha laga gaaray howl-galada socda ay kaalin weyn ku leeyihiin shacabka, oo iyagu ka hor yimid Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay inay horseeday in xubnaha kooxda waayan meel ay ku dhuuntaan.

“Khawaarijta waxay markii hore gabbaad ka dhigan jireen shacabka, iyaga oo dhac, boob iyo dhibaatayn joogto ah ku hayay dadka masaakiinta ah, taas oo sababtay in shacabku ka hor yimaadaan isla markaana ay waayaan meel ay ku dhuuntaan,” ayuu yiri.

Wasiiru-dowlahan hore ayaa soo jeediyay in dowladda sida ugu dhaqsaha badan dejiso qorshihii loo wajihi lahaa godadka iyo dhufeysyada ay Al-Shabaab ka sameysteen keymaha dhexdooda.

“Maadaama looga adkaaday weerarada tooska ah waa in dowladda dejiso qorshihii looga saari lahaa goobaha fog fog ee ay u carareen iyo godadka ay ku dhuumaleysanayaan.”

Waxa uu sheegay in qorshahan dejisteena ay dowladda la kaashato qubaro ku xeel-dheer dagaalka godadka ee howdka si loo yareeyo qasaaraha ka iman kara.

“Yaan la fududeysan, waxay taasi suurta-gal ka dhigi kartaa inay dib iskaga soo abaabulaan keymaha iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan. Waa in dhakhso looga howl-galaa.”

Dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu ka billowday dalka waxay ciidamada huwanta kooxda kala wareegeen deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.