Daawo: Dhaqtar caan ka ah Muqdisho oo la ilmeeyey xanuun daran oo soo wajahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xabeeb) oo kamid Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa maalmihii u dambeeyay xaalad halis ah ku wajahaya magaalada Muqdisho, sida uu shalay warbaahinta usoo bandhigay.

Dr Xabeeb oo in ka badan Afartan sano si bilaash ah ugu shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa soo foodsaartay xaalad caafimaad oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

“Bishii hore waxa isa-saaray Scan oo waxa uu muujiyay in uu dhiig bax ku yimid mid kamid ah xuubabka maskaxda daboola. Aniga waayeel aan ahey maskax dhiig ku furtay inaysan sahlaneyn wuu dareemi kara qofkasta oo bini-aadam ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh inay u fidiso gar-gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah, taasi oo wax looga qaban karo xaalada lasoo daristay dhaqtarka.

“Haddii uu madaxweynihii uu ii qiray in aan umaddaan usoo istaagay, waa in aniga maanta garab i siiyaan walaalaha Soomaaliyeed iyo dowladeyda.”

Dr Xabeeb ayaa la ilmeeyay xaalad caafimaad daro ee lasoo daristay, isaga oo sheegay in uu ku jiro waqtigiisi ugu adkaa ee noloshiisa. Dhaqtarkaan ayaa mudan inay dowladda ay si deg deg ah ugu garab istaagto wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad oo laga deyrinayo.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha hadda tallada dalka jooga ee Xasan Sheekh Maxamuud uu hada ka hor uga marag kacay oo qiray shaqada naf hurnimada leh ee Dr Xabeeb usoo qabtay bulshadiisa Soomaaliyeed.

“Dr Xabeeb runtii waa Nin aad iyo aad qiimo u leh oo ah Nin is diray, dadka Soomaaliyeedna ugu soo baxay duruufo adag oo wuxuu kamid yahay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo is dirtay oo u istaagay dadka intiisa badan ee loo jeedin u istaagay,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo kal hore u qiray shaqadii adkeyd ee dhaqtarkaan u qabtay bulshadiisa.