QOF kasta bartilmaameed ayuu u yahay Al-Shabaab – Xaqiiq aan la fahamsaneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan bulshada Soomaaliyeed ayaa aaminsan ama qaba aragtida ah in Al-Shabaab ay kaliya bartilmaameed u yihiin madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda, hase yeeshe midaas waa ka gedisan tahay xaqiiqda jirta.

Al-Shabaab ayaa waxaa bartilmaameed u ah qofkasta oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kusii nool gudaha dalkeena, waxa weli laga yaaba inaysan ka daadagin ee bal dib u yara celi maskaxdaada oo isweydii imisa qof oo aad taqaanay ama ehelkaaga ahaa oo aan ku jirin bartilmaameedka Al-Shabaab ayey ku dishay kooxda qarax ama weerar sanadihii u dambeeyay.

Si kale aan u dhigno, adiga oo magaalada ku sugan haddii Al-Shabaab ay qarxiyaan gaari hortaada marayay bal ka waran khatar intee le’eg ayaa kasoo gaari karta, dabcan haddii aad naftaada ku waayin ugu yaraan waxa kasoo gaaraya dhaawac aad la noolaato inta ka dhiman noloshaada.

Tani waa tusaalaha u yar ee ku muujinaya in dhamaanteen aan bartilmaameed u nahay Al-Shabaab, haddaba marka ay arrintu halkaas taagan tahay waxa nala gudboon in aan si dhab ah uga wada qeyb qaadano kacdoonka ka dhanka ah kooxda ee ka billowday dalka.

Waxaa dalka ka socda kacdoon dagaal oo ka dhan ah argagixisada dhiigeena macno la’aanta u daadineysay sanadihii u dambeeyay, waxaana kacdoonkaan bilowgiisa laga gaaray guulo ifafaalo wanaagsan u noqonaya in dalkaan aysan baaqi kusii ahaan doonin Al-Shabaab.

Haddaba, waxaa la gudboon qofkasta oo Soomaaliyeed in uu kacdoonka dagaal ee socda ka qeyb qaato, kuna taageerno xoog, xoolo ama fikir, kaasi oo inoo horseedi doonta in cadowga aan ka adkaano oo dalkeena ka xoreyno.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa waxay wajaheysa culeyskii ugu weyn ee soo mara sanado badan kadib, waana midkii looga adkaan lahaa haddii si dhab ah loo taageero kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah.

W/Q: Cabdiraxmaan Cali Maxamuud

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.