Dagaal culus oo dib uga qarxay YASOOMAN iyo wararkii ugu dambeeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale maanta dagaal culus uu dib uga qarxay deegaanka Yasooman hoostaga degmada Buuloburde, kaas oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleda ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana sidaas ku qarxay dagaalka oo haatan ka socdo gudaha deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isweydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab ay kusoo dhowaadeen deegaankan, balse weli dagaalka ayaa socdo, ayada oo ciidamada huwanta ay dhankooda difaac ku jiraan

Yasooman ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee la gala wareeygay kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa aad u kordhay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gudaha dalka, kuwaas oo looga qabsaday deegaano horleh.