Xukuumadda Somaliland oo sameysay mashruuc yaab leh oo lacag looga abuurayo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku kacday arrin xad-gudub ku ah Saxaafada ka howl-gasha deegaanadeeda, kadib markii ay si bareer ah ugu qasabtay telefishanka CBA in u bixiyo lacag dhan 10-kun oo dollar.

Maamulka telefishanka CBA oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in uu bixiyay lacagtaasi oo uu ku sheegay inay tahay sharci darro, balse ay ku qasabtay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

“Xayiraad saarneyd telefishanka CBA muddo 34 maalmood ah maanta ayaa laga qaaday kadib markii aan bixinay 10kun dollar oo lagu sheegay ganaax, kadib markii uu maamulka uu eegay shaqaalaha iyo dadkii ku xidhna telefishanka.”

“Maamulka telefishanka waxa uu go’aansaday in uu lacagtaas bixiyo anaga oo u aragna lacag xaqdaro ah oo aan nagula laheyn. Markii aan bixinay lacagta waxay Wasaaradii soo qortay waraaq xayirid ka qaadis ah.”

Sidoo kale maamulka telefishanka CBA ayaa sheegay in uu garab ka waayay ururka SOLJA oo ah ururka Saxaafiyiinta Somaliland, kaasi oo uu ku eedeeyay in uu dhinaca saaray xukuumadda.

“Waxa u mahadnaqaya cidkasta oo na-garab istaagtay intii uu xayirna telefishanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay maamulka CBA ee maanta la hadlay warbaahinta.

Si kastaba, Telefishanka CBA ayaa noqonaya telefishankii labaad ee xukuumadda Somaliland ka qaado lacag ay ku sheegtay ganaax, taasi oo lagu macneeyay in wasaarada warfaafinta ay arrintaan ka dhigatay mashruuc lacag uga sameyso warbaahinta madaxa banaan.