Muxuu Xasan Sheekh ka beddalay halkii uu Farmaajo uga tegay xiriirka Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Eritrea?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo laabtay xafiiska 15-kii bishii May ee sanadkaan 2022. Xilligaas Soomaaliya oo geeska Africa dhacda waxay dhexda kaga jirtay mowjado cadaawad oo daris ah.

Dadkeedu waxay u qeybsanaayeen in raacsan in lala saaxiibo Itoobiya iyo Eritrea iyo in kale oo rabta in la qurxiyo saaxiibtinimada Soomaaliya kala dhaxaysa Jabuuti iyo Kenya, qiyaarkii dhexda ayaa laga qaaday bulshada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ahaa macalinkii hindisay siyaasadda kala miirtay shacabka Soomaaliyeed oo lagu saleeyey in inta isaga taageersan la siiyo kararka wadaniyadda inta ka aragtida duwana lagu daro liiska cadowga.

Haddii aan u soo laabano xiriirka Soomaaliya ee dalalka xuduud wadaagga iyo kuwa ku xiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib loo doortay xilli ay kala tageen Soomaaliya iyo Jabuuti iyo Soomaaliya iyo Kenya.

Nidaamkii Farmaajo wuxuu doortay Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo tan iyo 2018-kii ahaa qubladda siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo.

In la tuuro Jabuuti iyo Kenya waxay saameysay dalka, dadka, dhaqaalaha, siyaasadda arrimaha dibadda iyo socdaalka.

Xujada ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh u taalay soo laabashadiisa kadib waxay aheyd sida uu Soomaaliya uga tiri karo cadaawadda lagu tiray, una abuuri karo saaxiibtinimo siman oo afartaasi dal ah.

Shaqada cilaaqaadka xogan ee dalalka dariska ah waxay aheyd mid kamid ah waxyaabihii ugu sahlanaa ee laga sugaayey nidaamkii Farmaajo, balse uu awoodi waayey.

Xasan Sheekh wuxuu tagay Kenya, isagoo aan tagin Itoobiya, wuxuu tagay Eritrea, isago aan tagin Jabuuti, waxay u muuqatay tallaabo lagu simay labadii saf ee abuurmay shantii sano ee na dhaaftay.

Xasan Sheekh iyo Eritrea ayaa is qaatay, Kenya ayuu la galay heshiis iyo dib u hagaajinta xiriirka, Jabuuti ayuu uga hoyday gafkii lagula kacay, isagoo xitaa baarlamaanka Jabuuti ka hor sheegay farriin cudur-daar u muuqatay.

Ugu dambeyna wuxuu si ka baaxad weyn sidii la filaayey u garab dhigtay Itoobiya oo la sheegay inay gunaanadkii is qaateen, kuna heshiiyeen in Itoobiya toos u soo gasho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay waddo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Waqti xaadirkaan Soomaaliya waxay heshiis la tahay Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Eritrea, shan bilood ka hor intaas ma jirin, siyaasadii Farmaajana waa dhalin weysay inay intaas isku keento.

Soomaaliya waxaa jooga ciidamo nabad ilaalin ah oo ay qaarkood ka socdaan dalalkaan dariska ah, qaxooti badan oo Soomaali ah ayaa jooga dalalkaas, ganacsiyo baaxad weyn ayey Soomaalidu ku heysataa dalalkaan, waana meelaha ugu badan oo ay dadka Soomaaliyeed ugu socdaalaan sida maalinlaha ah, laakiin dowladdii hore waa akhri weysay mudnaantaas guud.

In la arko Soomaaliya oo heshiis la ah dhammaan dariskeeda waxaa ugu dambeysay 2018-kii, “sababta uu dalku  u qaadi waayey tallaabooyin waaweyn sanadihii lasoo dhaafay waxaa qeyb ka ah in lagu mashquuliyey dagaal dariska ah oo bilaa ujeedo ah” ayey leeyihiin dadka ka faalooda siyaasadda gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu ku guuleystay inuu Soomaaliya ka tiro sumadda dariska xanaaqsan oo uu hagaajiyey cilaaqaadkii dhammaan dalalka dariska ah, hadda waxaa hor taalla inuu la yimaado aragti quman oo ay Soomaaliya uga faa’ideysan karto cilaaqaadkaan la hagaajiyey, gaar ahaan arrimaha ganacsiga, fursadaha waxbarashada iyo sida ay kaalin buuxda uga qaadan lahaayeen dalalkani inay Soomaaliya iska dul qaado kooxda Al-Shabaab oo ah sababta ugu weyn ee dib u dhaca dalka.