Dhageyso: Dhibaatada bani aadanimada ka fog ee lagu hayo gabdhihii shaqada loo geeyay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya dhibaatooyinka ay dowlada Sacuudiga ku heyso Dumarka Soomaalid ee ku dhaqan dalkaasi.

Dhibaatada ugu badan ayaa ah mid heysata Dumarka ay Somalia ka kaxeysay dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud, kadib heshiis ay wada galeen dowlada Sacuudiga, kaa oo dhigaaya in Dumarka Soomaalida loo qaadankaro shaqaale.

Dhibaatooyinka ay Sacuudiyaanku ku hayaan Dumarka ayaa waxaa kamid ah ”Dhac dhaqaale, Tacadi jinsi ah, Jirdil sharci daro ah, Kala ilaalinta Dumarka iyo eheladooda iyo Gumeysi aan dhamaan”sida ay xaqiijiyeen Dumarka.

Waxa ay sheegen inaanu jirin wax xiriir ay la leeyihiin Safaarada Soomaalida, waxa ayna taa ku sifeeyen shirqool ay u maleegeen dowladii hore iyo Sacuudiga.

Waxa ay sidoo kale sheegen in taagan yihiin meel cidla ah, isla markaana ay doonayaan in dib loogu celsho Somalia sida laga dheehankaro haddalkooda.

Waxa ay sheegen inaanu jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya Eheladooda, waxaana taa u dheer tacadiyo ay kala kulmaan dhalinyarada qoysaska ay qadaamada u yihiin.

Dowlada Somalia ayaa loogu baaqay inay dib uga fekerto dhibaatada Soomaalida ku heysata dalka Sacuudiga oo dhawaan iclaamiyay in ajaaniibta aan sharciga heysan ka musaafurin doonaan dalkooda.

Ex Xildhibaan Cabdullaahi Raage Xuseen oo ka hadlay dhibaatada heysata Soomaalida ku nool Sacuudiga ayaa sheegay in dowlada Federaalka laga doonaayo inay il gaara ku eegto Soomaalida ku dhaqan Sacuudiga.

Waxa uu Cabdullaahi sheegay in dhibaato farabadan lagu hayo Soomaalida kuwaa oo uu carab dhabay in loola dhaqmo si fool-xun, balse dowlada Federaalka ay iska indha tireyso xaqiiqda jirta.

Ex Xildhibaan Cabdullaahi ayaa sheegay in si sharciga ka baxsan ay Sacuudiyaanka ula dhaqmaan Soomaalida waxa uuna dowlada Federaalka ugu baaqay inay ka shaqeyso sida Soomaalida ku nool dalkaasi ay dib ugu soo celin laheyd dalkooda.

https://www.youtube.com/watch?v=8VTPC7u7FvQ