Malaayiin cod oo la tiriyey doorashada Kenya, waxaana ku horreeya….

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah u billaabatay tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashadii dalka Kenya.

Natiijadii 5,000 ee cod ee ugu horaysay ayay imika guddiga doorashada ee IEBC tiriyeen.

Saraakiisha doorashada ayaa codadka ku tirinaya goobta codadka laga dhiibtay ka dib na waxa ay u soo gudbinayaan xarunta dhexe ee caasimada ,Nairobi.

Guddiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan 7 maalmood in ay ku shaaciyaan natiijada kama dambaysta ah.

Bayaan ay soo saareen booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in aysan jirin dhacdooyiin amni daro ah oo dhacay intii ay codaynta doorashada socotay.

Booliiska ayaa waxa ay ugu baaqeen shacabka Kenyanka ina y sii wadaan dhowrida nabadda inta ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay.

Bayaankan ayay booliiska Kenya soo dhigeen barta ay twitarka ku leeyihiin.

“Sida wayn ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa”in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay”, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya, Eric Kiraithe.

“Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh, xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,”.ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Illaa iyo hadda waxa ku horeeya madaxweyne Uhur Kenyatta oo haysta 55.3% codadka, halka Raila Odinga uu haysto 43.8%, hase yeeshee codadka la tiriyey illaa hadda ayaa ah kuwa aad u yar.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com