28.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Xaaf oo ku dhacay qaladkii ugu horeeyay doorashadiisa kadib (Arrin uu sameeyey)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan uu Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf magacaabay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug, ayaa waxaa soo baxaaya in Xaaf uu dib uga laabtay magacaabida Guddoomiyaha.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Galmudug ayaa lagu joojiyay magacaabida Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha ayaa lagu sheegay in magacaabidaas laga laabtay kadib wadatashi uu sameeyay Hogaamiyaha.

Hogaamiyaha ayaa wadatashi la sameeyay dadka deegaanka waxaana usoo baxday inuu ka laabto magacaabida Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug.

AKHRISO WARQADA DIB UGA LAABASHADA MAGACAABIDA

 

- Advertisement -

Read more

Local News