Daawo: Dhibane Gaboose oo xog cusub ka bixiyey dilkii Injineer Yariisow iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ahaa masuuliyiintii lixaadkooda ku waayey qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii la shaqeyneysay ayaa ka sheekeeyey wixii ku dhacay.

Agaasime Gaboose oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qaabkii uu u dhacay qaraxii lagula beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, xilli ay shir isugu yimaadeen masuuliyiintii la laayey ee maamulka gobolka.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxaas, sidoo kale Agaasime Gaboose wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii dhaawacyadooda dalka Qatar loola qaaday Guddoomiye Yariisow oo Dooxa ku dhintay.

Gaboose hadda wuxuu ka go’anyahay lug iyo gacan is xiga, sidoo kale waxaa ka dhacay labada indhood, intii uu ku guda jiray wareysigaan wuxuu soo bandhigay walaac uu ka qabo in loo badbaadi karay lugtii iyo gacantii looga jaray Isbitaalka Digfeer.

Markii dhaawacooda looqaaday Dooxa ee uu geeriyooday Eng. Yariisow wuxuu sheegay in isagu uu miyir la’aan ahaa oo geerida guddoomiyaha uu ogaaday bil kadib, markii uu koomada ka soo baxay.

Maxamed Maxamuud Gaboose Agaasimihii Hanti-dhowrka gobolka Banaadir wuxuu shaki gelinayaa cidda qarxisay iyo xogtii ay soo bandhigeen hey’adaha ammaanka oo uu ku tilmaamay inay aad isku khilaaf saneed.

Hoos ka daawo wareysi uu la yeeshay Weriye Xuseen Cabdulle