Daawo: Dibad-bax xooggan oo ka dhacay Garoowe iyo sawirka DENI oo la fujiyey

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka Puntland ayaa maanta dibad-bax rabshado watay ka dhigay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee Garoowe ayaa ka cabanayey sicir bararka baahsan ee weli ka jira deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale dadka dhigayey dibad-baxa ayaa dhulka soo dhigay, islamarkaana fujiyey sawirka madaxweynaha Puntland ee ku dheganaa bartamaha magaladaasi.

Mudaharaadkan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka, iyada oo dibad-baxayaashu ay taayaro ku gubayeen jidadka muhiimka ah.

Qaar ka mid ah dadweynaha oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay xukuumadda Garoowe inay wax ka qabato sare u kaca dhanka sarifka oo shacabku ay sheegayaan in shilinka Soomaaliga uu aad u faro batay, taas oo keentay inuu laba jibaar ku dhowaado.

Saameynta ugu daran ee sicir bararka ka jira Puntland ayaa waxa uu ku yeeshay dadka dan-yarta ah, kuwaas oo noloshooda maalin laha ah uu kusoo galo shilinka Soomaaliga.

Si kastaba dibad-baxyada sii laba kac-leynaya ee Puntland ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu dhaqan-geli waayey amarkii madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ee ahaa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii diida qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga ah.

Halkan hoos ka daawo muqaalka.