Daawo: Faarax Macallin oo soo jeediyey qorshe Somalia loogu wareejinayo dal Yurub ah

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macalin oo horey xil uga soo qabtay dawladda Kenya, Islamarkaana ka hadla Arimaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya la doonayo in la tirtiro, Wuxuuna soo jeediyey in madaxdu ay heshiis la galaan dal Awood leh.

Wuxuu Tusaalle usoo qaatay Dalka Ruushka, Wuxuuna Xusay in hadii lagu wareejiyo uu wax u Qaban doono Somaaliya, Balse Taasi badalkeeda aan la qaadan karin Go’aankaasi, Iyadoo lagu raali gelinayo dalalka ku xeeran Soomaaliya ee cadowga ku ah.

Hadalka Faarax macalin ayaa noqday midkii ugu la yaabka badnaa, iyadoona ay ka dhigan tahay in Soomaaliya Qarnigan ay u yeedhato Gumaysi cusub.  oo siduu dalka hadhow uga bixi doono aan la hubin.