Ciidamo gaara oo loo sameeyay xildhibaanada maamulka HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa shaaca ka qaaday inay sameeyen ciidamo gaara oo ka shaqeyn doona ilaalinta Xildhibaanada maamulka HirShabelle.

Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay ka shaqeeynayaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.

Waare waxa uu tilmaamay in ciidamadaasi ay ka dhisan yihiin dhammaan shuruucyada ciidan, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in la adkeeyo amnigooda.

Ciidamada la diyaariyay ayuu sheegay inay isugu jiraan Booliis iyo Nabad sugidd, kuwaasi oo si dhaw ula socon doono Xaalada Xildhibaanada.

Hogaamiye Waare, waxa uu tilmaamay in Maamulka Hirshabeelle uu mas’uuliyad gaar ah iska saari doono ammaanka Xildhibaanada iyo degaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geysto Xildhibaanada maamul Goboleedyada oo la sheegay inay dayacan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com