Daawo: Diiwaan galinta dadkii lagu waayey qaraxii Zoobe oo weli ka socota Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa weli ku howlan diiwaan galinta dadka lagu la’ yahay nolosha iyo geerida ee ku jiray Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dowlada Federaalka oo diiwaan galinta u xilsaartay guddiyo diiwaan galiya dadka la la’yahay, ayaa dadaal weyn ku bixineysa xaqiijinta dadka la la’ yahay.

Dadka qaar ayaa waxaa lagu raadinayaa meydad aan weli la aasin oo ku jira Isbitaalada kuwaa oo is qaba jirkooda.

Diiwaan galinta ugu ballaaran ayaa ka socta dhismaha Hargaha iyo saamaha oo ay ku diyaarsan yihiin dhalinyaro dooneysa inay ka mirro dhaliso baaritaanada socda.

Dadka la diiwaan galinaayo ayaa waxaa u badan qaar dadkoodii waayay wixii ka danbeeyay Qaraxa Zoobe kuwaa oo aan la ogeyn inay dhinteen iyo inay noolyihiin.

https://www.youtube.com/watch?v=4NWy6wxzpkU