Gaari looga shakiyey walxaha qarxa oo yaalla isgoyska dabka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari Caasi ah (Homy) ayaa yaalla Isgoyska Dabka, waxaana Gaarigaas looga shakiyey in ay ku xiran yihiin Walxaha Qarxa, Ciidamada Booliiska Dowladda ayaa xiray Hareeraha halka uu Gaariga yaal, waxa ayna u diideen Dadka iyo Gaadiidka.

Goobaha Ganacsi ee fara ku tiriska ah ee Maanta furnaa ee ka agdhaw Isgoyska Dabka ayaa la xiray, maadaama Maanta ay tahay Maalin Jimco ah, badine ay xiran yihiin Goobaha Ganacsiga, balse Goobaha fara ku tiriska ah ayaa dadka leh lagu wargeliyey in ay xiraan ilaa inta laga xaqiijinayo Gaariga laga shakiyey.

Shakiga Gawaarida Walxa qarxa ayaa kordhay tan iyo 14-kii bishaan oo qarax Gaari waxyeelo u geystay dad gaaraya in ka badan 500 uu ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Maalin kahor Ciidamada Dowladda ayaa baaris ku sameeyey Gawaari looga shakiyey walxaha qarxa kuwaa oo lasoo dhigay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, inkastoo Hay’adaha amaanka aysan faah-faahin Natiijada Baaritaanada Gawaaridaasi.

Qaar kamid ah Dad ku sugnaa Isgoyska ayaa Mustaqbal u sheegay in Mar qura ay ku baraarugeen Gaariga Caasiga ah oo Isgoyska yaalla, kadibne ay goobta gaareen Ciidamada Booliiska Dowladda oo durba amray in Goobaha Ganacsiga la xiro, sidoo kale xannibay Dadka iyo Gaadiidka isticmaala Isgoyska Dabka.

La soco wixii kasoo kordha.