Daawo: Farmaajo iyo Rooble oo fariin u diray shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda dabaal dega Ciidul Fidriga.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyey in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee mudnaanta siinayay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmada iyo u gargaaridda dadka danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo. Wuxuuna Madaxweynaha si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, isaga oo dhiirri geliyey horumarka dhanka amniga iyo dib-u-habeynta Ciidamada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagana dhankiisa munaasabada Ciida awgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

Rooble ayaa sheegay in munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan ay ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay si ka duwan sanadkii hore, xiligaasi oo ay dalka ka jirtay xaalad amni iyo  mid siyaasadeed oo la xiriirtay doorashada dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ee dalka ka taagneyd. Wuxuuna Alle ugu mahdiyay in sanadkan xaalada sidii hore ka duwan tahay shacabkana si farxad leh ay ku ciidi doonaan maadaama howlihii doorashadu soo gaareen heer gebogebo ah, kadib dadaal iyo shaqo badan oo la galiyay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe iyo madaxdii hore ee dalka ayaa dhankooda shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga inay si farxad leh ugu dabaal degaan.

Bahda Caasimada Online maamulka, wariyeyaasha iyo shaqaalaha kale waxay hambalyada Ciidul Fidriga u dirayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan akhristayaasha ku tixan ee xili walba nasoo booqda, waxaan leenahay “Farxad ku damaashaada idinka iyo qoysaskiina”.