Dhageyso: Aadan Madoobe oo shaaciyey hanaan uu u marayo xalka kuraasta Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa ka hadlay khilaafka weli ka taagan kuraasta golaha shacabka ee gobolka Gedo, kuwaas oo xubno laga soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq ay isku heystaan.

Aadan Madoobe oo la hadlay VOA ayaa balan qaaday in arrinta kuraastaas uu ku xali doono door dhexdhexaadnimo ah, oo la tashiyo badana uu la samey doono dhinacyada daneeya xal u helidda xiisada kuraastaas.

“Arrinta kuraastaas waa iga horeysay oo anigu shalay ayaan xilka la wareegay, guddoomiyihii KMG ahaa ee golaha meel fiican ayuu wax soo gaarsiiyey, marka arrinta kuraastaas kuma deg degi doono, waan u talo badsa doonaa,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Wuxuu balan qaaday in dhinacyada sharciga iyo maslaxada isagoo ka fiirinaya uu ku dhamey doono go’aan umadda wada qanciya, “Go’aankaas kaligey iskama lihi, anigoo u talo badsanaya waxaan jeclahay in arrinta kuraastaas ay wanaag noogu dhamaato, laakiin hadda go’aan meel ii yaalla ma jiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe wuxuu sheegay in tallaabada ugu horeysa ee uu qaadayo baarlamaanku ay tahay in dalka Madaxweyne loo doorto.

Iyadoo wixii doorashada madaxweynaha ka dambeeyana ay guda geli doonaan dhismaha baarlamaanka, sida sameynta guddiyada hoose ee golaha iyo wax ka bedelka iyo ku daridda xeer hoosaadyada golaha.

Hoos ka dhageyso wareysiga